Gudoomiyaha Aqalka oo La Kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya+Sawirro

0

Gudoomiyaha Golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi  ayaa la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira.

Kulanka Labadda Mas’uul ayaa loogu hadlay fal dhawaan Ciidamadda AMISOM ay kula kaceen Gudoomiyaha xili uu ka dhoofayay Garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay xiriirka labada dhinac, nidaamka Howlgalka AMISOM u yaalla.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay wada shaqeyn dhex-mari doonto Golaha aqalka sare ee Soomaaliya iyo Howlgalka AMISOM.

Dhanka kale Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa uga mahadceliyey AMISOM dadaalka nabadda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in kaalinta ay uga jiraan nabadeynta Soomaaliya.

Ciidamadda AMISOM ayaa 19-kii June 2018-kii waxay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ay u diideen Gudoomiyaha Golaha aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi, inkastoo markii dambe la xaliyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here