Faah-faahin;-Qarax Caawa Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Qarax xoogan  oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa caawa ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhow Shaleemo Nasri Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal qaraxa ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baarayay garaarida soo aada dhanka Isgoyska Banaadir.

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen lix ruux oo kale.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadda qaraxaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here