Maamulka Hir-shabelle oo Ka Hor Yimid Amar ay Soo Saareen Shabaab+Dhageyso

0

Xarakada Al Shabaab ayaa dhawaan soo saartay amar lagu mamnuucayo in bacda laga isticmaalo deegaanada ay maamulaan.

Al-shabaab ayaa sheegay in bacdu dhibaato badan ku heyso fayaqabka caafimaadka dadka bini’aadamka iyo xoolaha, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegtay in bacda dhibaato ku heyso bii’ada oo ku sameyso nabaad guur.

Macalin Khalaafow Gudoomiyaha dagmada Baladweyn ee maamulka Hirshabeele oo la hadlay idaacada simba ee magaaladda Muqdisho ayaa fariin culus u diray ganacsatada isagoo ugu hanjabay in ay talaabo kaqaadi doonaan ganacsatadii u dhaga dhuglaata amarka Al-shabaab.

Qaar kamid ah deegaanada Al Shabaab  maamulaan ayaa durba la arkayay iyada uu ka dhaqan galay amarka bacda lagu mamnuucayay , waxa ayna dadku ku adeeganyeen salad iyo agabyo kale ay sameysteen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here