Qarax gaari lagu dhajiyay ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxaan ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn Isgoyska Siinaay degmada Warta-Nabada ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal qaraxa oo ku xirnaa gaari kuwa Raaxadda ah ayaa ku qarxay agagaarka Xarunta Dahabshiil isgoyska Siinaay,waxaana saarnaa 1-qof oo dhaawac uu kasoo gaaray.
Qofka dhaawaca ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka magaaladda muqdisho.
Dhanka kale goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa goordhaweyd gaaray Ciidamada amaanka Dowladda Soomaaliya,waxaana socda baaritaano.

