Akhriso:-Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Hoobiyayaashii Lagu Gaaracay Wadajir

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Hoobiyayaasha ahaa ee ku dhacay degmada Wadajir  maalintii shalay aheyd.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo ku qornaa afka English-ka ayaa tacsi tiiraanyo leh loogu direy Qoysaska dadkii noloshooda ku waayay weerarka hoobiyayaasha,iyadoona u rajeysay kuwa ku dhaawacmay in si deg deg ah Alle u bogsiiyo.

“Dowladda Federaalka waxay aad uga xun tahay falkan foosha xun ee fuleynimada ahaa oo lagu soo beegay maalinta Xornimada oo ah maalin u dabaal dagayaan shacabka iyo qaranka”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Weerarkii Hoobiyayaasha ahaa ee shalay ku dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa ku dhaawacmay 5-ruux oo isku qoys ahaa.

Xarakadda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana ay tilmaameen inay la beegsadeen Xarunta AMISOM ee Xalane.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here