Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay wada-hadalkii ay Dowladda Soomaaliya kula jirtay maamulka Somali-land.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan dib loo bilaabi doono wada-hadalkii lagula jiray Maamulka Somali-land.
“Soomaaliland waa dad walaalaheen ah, duruufo badan oo na kala qaybiyay ayaan soo marnay, Dowladdan waxa ay diyaar u tahay in ay wada hadalladii soo celiso, si kasta oo aan kalsooni ku galin karnana aan ku galinno, maxaa yeelay waa walaalaheen, waana gacan iyo garab naga maqan.”
Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Farmaajo ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka soo noqnoqday ee degaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo adkeeyay in Soomaaliya aysan u baahnayn in colaad iyo dhiig dambe lagu daadiyo.

