Raisulwasarihii Hore ee soomaliya C/wali sheikh axmed Maxamed oo wareysi gaar ah siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka Hadlay arimo badan oo xiligaan ka jira Soomaliya,
Mudane C/wali Shiikh axmed Maxamed ayaa ugu Horeyn ka Hadlay doorashada la sheegay in soomaliya ka dhacayso sanadkaan 2016-ka isagoona Tilmaamay in soomaliya aysan suurta gal aheyn in doorasho lagu qabto sanadkaan,
Sidoo kale Raisulwasarihii Hore ee soomaliya C/wali sheikh axmed Maxamed ayaa kaga hadlay wareysi uu siiyay idaacada simba arinta kasoo yeertay guddiga doorashooyinka soomaliya oo ku aadan in lasoo fara galiyay shaqadooda ayna doorashada la wareegeen madaxda dowlada soomaliya. oo dhawaan ka qeyb gashay shirka hiigsiga 2016-ka
Mudane C/wali Shiikh axmed Maxamed ayaa dhanka kale sheegay in uu ku mowqif yahay madaxda Maamulka Puntland oo qabta in doorashada soomaliya ka dhacaysa laga dhigo nidaamka heer degmo oo laga gudbo nidaamka 4.5.
Halkaan Hoose ka dhageyso wareysigiisa

