Dad Isku Qoys ahaa oo Lagu Dilay Gobolka Shabeelaha Dhexe+Sawirro

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in kooxo hubeysnaa ay rasaaseeyeen gaari dad shacab ay saarnaayeen.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka gaariga oo ahaa Nooca Soomaalida u taqaano Homey-ga ayaa rasaas lagu furay xili uu marayay meel u dhow deegaanka Boos Dacaar o hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolkaas.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkaan ku dhintay  Afar Dhalinyaro ah oo Ilmo adeer ahaa iyo Ruux kale oo la socday.

Sidoo kale waxaa falkaan ku dhaawacmay darawalkii gaariga waday oo la geeyay goobaha caafimaadka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Mas’uuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmadda Balcad ee Hir-shabeelle ayaa tagay goobta uu falka ka dhacay.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Balcad Qaasim Cali nuur,Guddoomiyaha degmada Warsheekh iyo Masuuliyiin kale ayaa goobta tagay,waxaana haatan socda baaritaano lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay falka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here