Dowladda Somaliya, ayaa waxay shaaca ka qaaday inay garab taagan tahay Sacuudi Carabiya, xilli toddobaadkan uu cirka isu shareeray xiisadda kala dhaxeysa Iran.
Somaliya, ayaa waxay cambaareysay falka lagu gubay Safaaradda Sacuudigu uu ku leeyahay Magaalada Tehran iyo Qunsiyadiisa ku taala Magaalada Mashhad ee dalkaasi Iran.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, ayaa waxaa lagu yiri “Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya waxay cambaareynaysaa tallaabada lagu gubay Safaaradda Boqortooyada Sacuudi Carabi, ay ku leedahay Magaalada Tehran iyo Qunsiyadda ay ku leeyahay Magaalada Mashhad”
“Taasoo xadgudub ku ah heshiisyada caalamiga ah iyo heshiiskii Magaalada Viena lagu gaaray ee diblomaasiyadda ku saabsanaa, sanadkii 1961. Waa gardarro xadgudub cad ah. Waa in la hubiyaa, lana ilaaliyaa ammaanka hawlgalada ergooyinka diblomaasiyadeed iyo xubnahooduba.”
Bayaankan oo galabta uun soo baxay, ayaa waxaa lagu cadeeyay in Somaliya ay Sacuudigu ku taageersan tahay in ammaankiisa uu si madax banaan u sugto.
“Somaliya waxay xaqiijinaysaa inay si buuxdo u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isla-markaana ay ka soo horjeedo in dhibaato ay kaga timaado argagaxisada iyo xagjiriintaba iyo inay Sacuudi Carabiya ay qaaddo tallaabooyinka ay ku ilaashanayso xasiloonideeda.” Ayaa lagu yiri Bayaanka.
Khilaafka xargaha goystay ee Sacuudiga kala dhaxeeya Iran, ayaa waxaa si wayn looga dareemay Wadamada Bariga Dhexe, waxayna Muslimiintu u muuqdaan kuwo u kala qaybsan Suni iyo Shiico.

