Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada ku qaabilay wufuud ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul-wasaarayaashii hore ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali  oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 04-Jan-16 qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Labo wafdi oo ay kala hoggaaminayaan Ra’iisul-wasaarihii hore ee  Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geeddi iyo Ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr.Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Labadan wafdi  oo marti-qaad rasmi ah oo ku saabsan ka-qaybgalka munaasabadda furitaanka Garoonka Caalamiha ah ee diyaaradaha ee Boosaaso  oo qabsoomi doonta 08-Jan-2016 ayaa kasoo kala kicitimay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Madaxweynaha  Puntland ayaa  soo dhoweyn kagadaal ku ammaanay imaatinkooda Puntland isagoona ku tilmaamay in ay yihiin shaqsiyaad ay soomaalinimadu kuweyntahay islamarkaasna ahaa muddooyinkii ay xilalka hayeena kuwo  wax wanaagsan ka qabtay dalka soomaaliya.

Prof Cali Maxamed Geeddi Ra’iisul-wasaarihii hore ee Dawladdii Kumeel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya iyo Dr. Cabdweli Sheekh Axmed Maxamed Ra’iisul wasaarihii hore Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaga oo ku hadlaya magacyada wafdiyada ay kala hoggaaminayaan waxa ay uga mahadceliyeen soodhoweynta qiimaha leh ee ay Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo dawladdiisu u sameeyeen waxaana ay  intaa raaciyeen in ay Puntland kuyimaadeen kadib markii ay martiqaad rasmi ah kaheleen Madaxweynaha  Puntland  kaas oo ku saabsanaa furitaan Garoonka diyaarada ee Boosaaso.

Garoonka diyaaradaha ee boosaaso ayaa lafuri doonaa 8-Jan-2016 iyadoo ay kasoo qayb geli doonaan wufuud  ka  kala imaan doonaa gudaha soomaaliyaa iyo caalamkaba kuwaas oo isugu jira siyaasiyiin iyo maalgashadayaal.

Munaasabada Furitaanka Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso ayaa waxaa barbar socon doonta munaasabadda sannad guuradii 2aad ee Puntland ee uu hoggaaminayo Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

—DHAMMAAD—

IMG_1937 IMG_1940 IMG_1946 IMG_1955 IMG_1963 IMG_1978 IMG_1989

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here