Booliska Uganda: Waxaan ka Hortagnay Weerar qarax ah oo Al-shabaab ay ka geysan Lahaayeen dalka.

0

Ciidamada booliska dalka ugandha ayaa ka hortagay qaraxmiino oo lagu qarxiyey xarunta ay ka baxaan gawaarida basaska ee kutaala degmada gulu ee dalka Uganda.

Sargaal u hadlay ciidanka booliska Uganda ayaa sheegay in qaraxaasi ay ka hortageen ay ku tuhmayaan in AL-Shabaab ay ka dambeeyeen.

Xarunta basaska ay k baxaan ee Gulu ayaa ah goob siweyn u mashquul badan waxaana deegaankaasi uu yahay mid ay sigooni ah u maraan gawaarida basaska ee aada magaalada kampla ee xarunta dalka Uganda.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay weerar qarax ah uga fuliyey magaalada kampala ee dalka Uganda sanadkii 2010-ka halkaasi oo ay ku dileen tira kabadan 70 qofood.

Ciidanka Uganda ayaa ah kuwa ugu badan ee jooga soomaliya kuwaasi oo ka mid howl-galka nabad ilaalinta ah ee Amisom, waxaana lagu qiyaasaa in kabadan 10,000 oo askari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here