Alshabaab oo Soo Bandhigay Magaca iyo Qabiilka Ismiidaamiyihii Saldhiga Sanguuni

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa shaacisay magaca dagaalyahankii fuliyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee todobaadkaan ka dhacay Saldhiga Baar-Sanguuni ee Duleedka Magaalada Kismaayo.

Idaacadda Andalus  oo ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegtay in howlgalka uu fuliyey dagaalyahan lagu magacaabo Yuusuf Cumar Cali oo ku magacdheer Foorto kaas oo ahaa dagaalyahan 24 sano jir ahaa oo ka dhashay beesha Wacdaan Cusmaan.

Idaacadda ayaa sidoo kale baahisay hadalo laga duubay Yuusuf saacadihii ugu dambeeyey ee noloshiisa xilli uu saarnaa gaarigiisa.

Weerarkii ismiidaaminta ee ka dhacay Saldhiga Baar-Sanguuni ee Duleedka Magaalada Kismaayo ayay shabaab sheegeen in lagu dilay 50-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Maamulka Jubba-land.

Dhanka kale Saraakiisha Jubba-land ayaa sheegay in weerarkaas uusan geysanin wax khasaare ah, marka laga reebo ismiidaamiyihii oo ku dhintay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here