Maxaabis Soomaliyeed oo Ku Xirnaa Kenya Oo Ku Soo Wajahan Muqdisho+Sawirro

0

Sii-hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, ahna qunsulka guud ee safaaradda Counsellor Ali Mohamed Sheikh (Cali Bagadi) ayaa xabsiga Kamiti ee duleedka magaalada Nairobi ee dalka kenya ku booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo dhameystay xabsi 8 sano ah.

Bagagi oo Maxaabista gaarsiiyay deeq dhar ah oo loogu talagalay in ay ku ciidaan maalamaha ciida ayaa sheegay in Safaaradda Soomaliya ee dalka Kenya ay si dhow ula socotay Xaaladooda,islamarkaana ay yihiin maxaabistii ugu dambeysay ee ku xirnaa Xabsiyadda Kenya  kuwaasi oo ku eedeysnaa falal burcad badeednimo.

Dhanka kale qaar ka mid ah Maxaabista oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in mudo todobaad kadib ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,iyaga oo dhameystay Xabsi 8 Sano ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here