Daadadkii Ku Dhuftay Baladweyn oo Sababay in La Kala Garan Waayo Guryaha!

0

Dadka reer Baladweyn ee daadadka ka qixiyay guryahood ayaa waxa ay hada bilaabeen inay dib ugu guryo noqdaan kadib markii ay magaalada biyihii fadhiyeen  ka baxeen.

Magaalada ayaa mudo labo bilood ku dhow haawaneysay waxaan xirmay goobaha ganacsiga, waxbarashada, isku socodka dadka  iyo gaadiidka, Kaliya magaaada waxaa dhex ee gaagay Biyo kadib markii ay isku darsameen biyaha wabiga iyo daadad  kasoo rogmaday dalka Itoobiya taas oo  sababtay inay xirmaan guud ahaan ganacsigii magaalada.

Gudoomiyaha G/Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle C/Laahi Axmed Maalin Sufurow ayaa sheegay in hada lakala garan la,yahay boosaska qaar maadaama guryihii ku dhisnaa ay daadka qaadeen.

Wadooyinka Magaalada baladweyne ayaa hada u baahan in dib u dayac tir xoog leh kadib markii ay saameyn ku yeesheen daadka biyaha waxaana isku darsamay oo isku milmay Ceelasha biyaha laga cabi jitay iyo Musqulaha.

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here