Shil Gaari oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa goordhaweyd ka dhacay magaaladda Muqdisho.
Inta la xaqiijiyey ilaa 3 ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalana way ku dhaawacmeen, kadib shil gaari oo ka dhacay Wadada Taleex degmada Hodan.
Gaari nooca xamuulka qaado ah oo shixnad kala duwan ka soo raray Dekadda Muqdisho ayaa ku rogmaday Dalcada Wadada taleex ee oo ay ku sugnaayeen dad aad u fara badan.
Dadkii ku dhaawacmay shilka ayaa loo qaaday Goobaha Caafimaadka Degmadda Hodan.
Sidoo kale waxaa jirey dad laga soo bixiyay gaariga hoostiisa oo meyd ahaa sida ay inoo sheegeen goob-joogayaal.

