Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ayaa saakay xukun ku riday rag loo heystay weerarkii 28-kii bishii October ee sanadkii 2017-kii lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.
Maxkamada ayaa soo gabo gabeeysay dhageysiga dacwada loo heystay eedeesanayaashan oo kala ah Farxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule, waxaan ragan lasoo qabtay iyaga oo hubeysan oo weerar geesanaya.
Maxkamadda darajada 1-aad oo dhowr jeer dhageystay kiiskan ayaa ugu dambeyn saakay xukun dil ah ku riday, sida uu subaxii hore ee saakay warbaainta u sheegay guddoomiyah Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.










