Kooxo jihaad doonayaal ah oo shabaab la yiraahdo ayaa lagu soo waramayaa in ku dhawaad 10 qofood ay qoorta kaga gooyeen waqooyi bari dalka Mozambique sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP
Warbaahinta dalkaasi ayaa kusoo warameysa in dadka la dilay ay kamid ahaayeen labo saraakiil oo katirsan ciidamada Policeka dalkaasi Mozambique.
Horaantii bishii October ayey aheyd markii dabley hubeysan ay weerar kusoo qaadeen saldhig ay ciidamada Police ka dalkaasi kula haayeen magaalada Mocimboa iyadoona lagu soo waramayo in waxyeelo xoogan uu ka dhashay weerarkaasi.
Afahayeen uhadlay ciidamada amaanka dalkaasi ayaa carabaabay in 14 kamid ahaa dadkii weerarka sooqaaday ay ciidanka amaanka dalkaasi ay kudileen halkaasi.
Kooxdaan ayaa la sheegay in aan la’ogeyn in ay xiriir laleeyihiin shabaabka kadagaalama soomaaliya iyo in ay magaca un wadaagaan sida ay sheegtay wakaalada wararka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo looyaqaan AFP
Weerarkan ayaa imaanaya kadib markii todobaadyadii aynu kasoo gudubnay kudhawaad 300 oo ruux oo muslimiin ah lagu xiray dalka Mozambique iyadoona dhanka kale masaajidyo dhowr ah albaabada leysugu dhuftay

