Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo ka dhacay gudaha degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellha Hoose.
Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay ku sugnaayeen Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmadda Walanweyn.
Jugta qaraxa ayaa laga maqlay xaafadaha degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellha Hoose.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in qarax miino uu ka dhacay guri ay xilligaas ku sugnaayeen askar iyo saraakiil, dadka qaraxa ku dhintay waxaa kamid ah Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Hurdaaye oo ahaa mas’uulkii dhanka maaliyadda uqaabilsanaa maamulka degmada Wanlaweyn, iyo 7-askari.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay degmada Wanlaweyn sida ay baahisay idaacadda ku hadasha afkooda.

