Qarax Lagu Dilay 7-askari iyo Mas’uul Ka Tirsan Dowladda Degmadda Wanlaweyn

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo ka dhacay gudaha degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellha Hoose.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob ay ku sugnaayeen Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmadda Walanweyn.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay xaafadaha degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay  in qarax miino uu ka dhacay  guri ay xilligaas ku sugnaayeen askar iyo saraakiil, dadka qaraxa ku dhintay waxaa kamid ah Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Hurdaaye oo ahaa mas’uulkii dhanka maaliyadda uqaabilsanaa maamulka degmada Wanlaweyn, iyo 7-askari.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay degmada Wanlaweyn sida ay baahisay idaacadda ku hadasha afkooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here