Kadib markii wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) taasi oo xilka looga qaaday gudoomiyihii maxkamada sare ee dalka ibraahim iidle suleymaan ayaa arintaas waxa ay dhalisay muran siyaasadeed oo ku saabsan sharci ahaansha xilka qaadista.
Dadka indha indheeya arimaha siyaasadda ayaa ku tilmaamay in sifo sharci ay tahay xil ka qaadistaaasi uu madaxweynaha ku sameeyay gudoomiyaha halka kuwa kale ay iyaguna tilmaamayaan in sifo sharci aysan ahayn in madaxweynuhu uu xilka ka qaado gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka.
Haddaba ayaddoo arimahaasi ay jiraan ayaa waxaam wax ka weydiinay sharciyaqaan Yaxye sheeq cali maxamed oo ah gudoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee maamulka Galmudug.
Waxaa uu sheegay garyaqaan-ka in sifo sharci ah ay tahay xilka qaadistii lagu sameeyay guďoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee ibraahim iidle suleymaan asigoona sheegay in digreeto madaxweyne ay tahay taasi ayuu sheegay in uu sharci ay tahay uuna magacaabi karo gudoomiyaha maxkamadda kana qaadi karo haddii uusan dalka ka jirin golihii adeegga garsoorka.
Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee maxkamadda sare ee Soomaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista lagu sameeyay.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyahii Maxakamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan, waxaa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

