Dagaalyahano Ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab oo Lagu Qabatay Gudaha Dalka Kenya.

0
Ciidamadda Meletariga Dowladda Kenya

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada Policeka dalkaasi ay gacanta kusoo dhigeen 3 ruux oo looga shaki sanyahay  in ay katirsan yihiin xarakada Alshabaab kuwaa oo qorsheynayay in ay weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Charles Mutua oo ah sarkaal oo sare oo katirsan ciidamada dambi barista dalka Kenya ayaa sheegay in labo kamid ah raggaasi laga soo qabtay deegaanka Nyeri halka midka kale gacanta ay kusoo dhigeen ciidamada Kenya isaga oo kusugan deegaanka Meru ee dalkaasi Kenya.

Saraakiisha ciidamada policeka Kenya ayaa carabaabay in dhalinyaradaasi ay doonayeen in ay weerar kuqaadan goroonka kubada cagta lagu ciyaaro oo lagu magacaabo Kinoru oo ku yaala deegaanka Meru halkaa oo baaritaan la sameeyay ay ciidamada amaanka Kenya ay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo raggaasi katirsan alshabaab.

Wilson Njega oo ah isku xiraha gobolka u qaabilsan ciidamada Policeka Kenya ayaa sheegay in markii hore lagu daba jiray raggan isagoona ugu baaqay dadka is kaleh hoteelada kuyaala guud ahaan Kenya in ay soo gud biyaan xoggo kusaabsan qofkasta oo ay kakirenayaan hoteelkoda in loo ilaaliyo amniga shacabka kunool guud ahaan dalkaasi.

Dhanka kale Charles Mutua oo ah sarkaal sare oo katirsan ciidamada dambi barista dalka Kenya ayaa ugu baaqay ciidamada amaanka Kenya in ay dar dar galiyaan howl galadooda loogu soohorjeeda xubnaha katirsan alshabaab ee sida dhuumaaleysiga ahi usoo galaya dalka Kenya isagoona sidoo kale sheegay in ciidamada policeka Kenya in sigooni ah ubaaraan deegaanada Meru, Isiolo, Marsabit, Laikipia, Mandera, Wajir, Nyeri, Kirinyaga iyo Murang’a halkaa oo uu sheegay sarkaalka in goobahaasi ay yihiin marinada ugu waaweyn alshabaab.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamo fara badan oo katirsan policeka Kenya ladhigay xuduuda ay wadaagan dalalka soomaaliya iyo Kenya kuwaa oo kacabsi qaba weeraro horleh oo shabaabku ayku qaadan dalkaasi inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here