Gudoomiyaha midowga africa Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in dowlada soomaliya lagu hayo faragalin gudaha iyo banaanka islamarkaana ay ku hayaan wadamo kuwaa oo doonaya in soomaaliya ay dib ugu laabato dhibaatoyinkii mudo dhowr iyo labaatan sano ay kujirtay.
Gudoomiyaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowlada soomaaliya ay si weyn ugu hortagto faragalintaan shisheeye ee lagu hayo maadama sida uu sheegay gudoomiyaha in dalalkaasi aysan dooneynin in Soomaaliya ay Nabad Noqoto.
Hadalkan kasoo baxay gudoomiyaha midowga africa ayaa imaanaya kadib markii booqasho rasmi ah uu kujoogo magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia Raisul wasaaraha xukuumada soomaaliya Hasan Ali Kheyre kaa oo casuumad rasmi ah kahelay reysul wasaaraha cusub ee dalkaasi Ebey Ahmed kuwaa oo kawada hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid thy arimaha amaanka iyo dhaqaalaha iyo sidoo kale xariir kadhaxeeya labada dal.
Kulan kan kadib ay wada yeesheen labadani masuul waxaa xigay shir gooni ah ay wada yeesheen gudoomiyaha midowga africa Moussa Faki iyo Raisul wasaaraha dalka soomaaliya Hasan Ali Kheyre halkaa oo uu gudoomiyaha ugu baaqay xukuumada Raisulwasaare Kheyre in ay iska ilaaliyaan fara galinta shisheeye.

