Faah-faahin:-Dil iyo Weeraro Qorshaysnaa oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka banaadir waxaa xalay ka dhacay dil iyo weerar lagu qaaday kontorool ay ku sugnaayeen Ciidamada Xasilinta Caasimadda.

Ciidamo ka tirsan Shabaab ayaa weerar ku qaaday isgoyska Ex.control Balcad ee degmada Huriwaa oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamadda Xasilinta caasimadda.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ciidamo watay ugu yaraan seddex gaari ay weerar xooggan kala kulmeen rag ka Tirsan Xarakadda Shabaab balse lama oga khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan Shabaab ayaa xalay weerar loo adeegsaday Bambaanooyin waxa ay ku qaadeen Xarunta wasaaradda Gaashaandhigga illaa halka loo yaqaan Ceel Tusbaxlle oo kawada tirsan degmada Dayniile ee Gobolka banaadir.

Rag ka tirsan Shabaab ayaa galinkii dambe ee shalay waxay Degmadda Dharkinley ee Gobolka banaadir ay ku dileen mid kamida Ergadii soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka DF-ka.

Suleymaan Foolyare oo kamid ahaa ergadii xildhibaannada kasoo xulay dhanka maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa la dilay xili uu kusii jeeday hoygiisa.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarada xalay iyo galinkii dambe ee shalay ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir sida ay baahisay idaacadda Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here