Inbadan 38 tuulo oo hoos yimaado dagmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa si siman waxaa ay u galay fatahaada wabiga Shabelle waxana ay baa bi iyeen dhul beereedkii Dagmada Jalalaqsi.
Qaar kamid ah dadka ku nool dagmada Jalalaqsi oo lahadlay Idaacada Simba ee xarunta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay xafadahooda ay qaadeen fatahada u sameyay wabiga shabelle .
Maxamed Xuseen oo kamid ah bulashada deegaanka ayaa sheegay in magaalada afarteeda koono ay biyo xireen taas oo keentay inay magaalada noqoto mid go,doonsan o aysan jirin gaadiid soo gala iyo mid kabaxa mudo todobaadyo ah.
Waxa ugu daran ee hada magaalada kajirto ayaa ah sara u kac ku yimid qiimaha maciishada maadama hadana ay cuntada gawaabsi ka tahay dadkana ay qarka usaaranyihiin inay xaalad adag soo wajahdo.
Gudoomiyaha Dagmada Jalalaqsi ee Gobolka hiiraan Maxamed cabdulle fiidow ayaa ayaa sheegay in dagamada Jalalaqsi ee Gobolka hiiraan ay harqiyeen Fatahaad u sameeyay Wabiga shabelle,
Maxamed cabdulle fiidow ayaa ku baaqay in la caawiyo dadka kunool dagmada Jalalaqsi oo ay fatahada baa bi isay xafadahooda iyo dhul beereedkii ku beernaa dalagyada kala duban .
Halka Hoose Ka Dhageyso Codka Warysiga Maxamed Xuseen Maxamed

