Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Tukaraq Iyo Puntland Oo War Deg Deg Ah Ka Soo Saartay

0

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamadda maamulka Puntland iyo Somaliland ayaa saakay aroortii waxa uu ka dhacay  deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Ciidamadda Somali-land iyo kuwa Puntland ayaa la sheegay in ay isweedaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, Dagaalka ayaa saraakiisha Somaliland waxey sheegeen iney qaadeen ciidanka daraawiishta Puntland, maadaama wali gacanta ay ku hayaan ciidamada Somaliland deegaanka Tukaraq ee G/ Sool.

Xiriiro kala duwan oo Simba goordhaw ay la sameysay dadka deegaanka ayaa sheegaya in iminka uusan jirin wax dagaal ah, balse mararka qaar laga maqlayo jiida dagaalka rasaas teel teel ah.

 

War Ka Soo Baxay Maamul Gobaleedka Puntland Ayaa Sidaan U Qornaa

 

Dawladd Puntland waxay usheegaysaa Ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalanka in saaka Arooryo Abaara 5.30 subaxnimo ay marka kale Soomaaliland soo weerartay Ciidamada daraawiishta Puntland ee ku sugan jiida hore deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool.

Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in mas’uuliyada dagaalkaas uu qaadayo Maamulka Hargeysa oo ah duulaaan joogto ah, isla markaana Puntland ay difaacayso dalkeeda iyo dhulkeeda.

Dawladda Puntland waxay usheegaysaa shacabkeeda dhammaan gudo iyo dibad-ba in ay garab istaagaan ciidanka, isla markaana ilaashadaan sharaftooda iyo dawladnimadooda duulaanka lagu yahay.

Dawladda Puntland waxay u sheeegaysaa shacab-weynaha gobolka Sool inay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda iyo karaamadooda ee duulaanka ay kusoo qaaday maamulka ka arimiya magaalada Hargeysa.

Ugu dambeyntii Dawladda Puntland waxay u sheegaysaa shacabka Puntland inay ilaashadaan sharaftooda iyo dawladnimadooda, kana qeyb qaataan dagaalka Soomaaliland ay wado.

Waa sida lagu yiri war kasoo baxay Maamul Gobaleedka Puntland ee Soomaaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here