Maxaa Ku Soo Kordhay Xildhibaan Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo (Dhageyso)

0

Wararkii ugu danbeeyay xildhibaan katirsanaa baarlamaanka maamul gobaleedka Puntland oo xalay lagu toogtay gudaha magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug

Wariyaha idaacada Simba ee Gobalka Mudug ayaa sheegay in laba qof oo hubaysan ay toogasho ku dileen xildhibaanka iyo nin ilaaladiisa ah, kadibna ay ka baxsadeen goobta.

Xoogaga weerarka geystay ayaa xildhibaanka dhaawac ahaan uga tagay waxaan loo qaaday isagoo dhaawc culus qaba oo lageeyay  cisbitaalka magaalada halkaasna uu dhaawici gaaray ugu geeriyooday.

Marxuumka la khaarajiyay ayaa  magaciisu ahaa Cabdulxakiin Macallin Daahir.

Duqa dagmada  Gaalkacyo dhinaca puntland Maxamuud Yaasiin Tumaeey oo lahadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in ciidamadu ay baaritaano wadaan si loo helo dadkii fuliyay weerarkaasi khaarajinta ah wuxuuna carabka ku adkeeyay inaysan magaalada ka fogeyn oo ay ciidamaduna ku raad joogaan markii gacanta lagu dhigana cadaalada lo horkeeni doono waa sida uu hadalka u dhigay Duqa D/ Gaalkacyo

Dhinaca kale War  kasoo baxar Xarakada Al-shabaab ayey ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkii xildhibaanka lagu dilay, Al Shabaab waxay sheegtay  in ciidamadeedu ay khaarijiyeen xildhibaankaasi.

Dhageyso codka Duqa dagmada  Gaalkacyo ee Puntland oo La Hadlay Simba

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here