Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Degmadda Hodan ee Gobolka banaadir waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda taleex ee Degmada Hodan,waxayna Ragga hubeysnaa ay Toogteen wiil dhalinyaro ahaa oo magaciisa lagu sheegay Aweys Cumar Cabdi.
Al-shabaab oo dilkaan sheegtay ayaa sheegay in Aweys uu kamid ahaa Shaqaalaha Xafiiska Raisulwasaaraha Soomaaliya, islamarkaana dilkiisa ay fuliyeen rag ka Tirsanaa Shabaab oo si nabad galyo ah goobta ugu baxsaday markii dambe.
Dhanka kale Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka magaaladda muqdisho.

