Kooxo hubeysan ayaa goor-dhow waxaa ay Magaalada Muqdisho ku dileen nin ganacsade ahaa oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Aw Aadan.
Dilkaan ayaa ka dhacay agagaarka masjidka C/raxmaan Bin Coof oo ku yaalla degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, xiligaas oo marxuumka la dilay uu ku sugnaa meel ku dhow hoygiisa sida Idaacada Simba ay u Xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.
Marxuumka la dilay ayaa ahaa sarifle si weyn looga garanayey isgoyska Dabka ee wadada Maka Al-Mukarama, waxaana la dilay Xili uu ku sii jeeday Hoygiisa.
Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, waxaana halkaas gaaray wax yar ka dib ciidamada amaanka Dowladda Soomaaliya oo baaritaan ka sameeyey goobta dilku ka dhacay.

