Kheyre iyo Duqa Muqdisho oo Booqday Goobaha Lagu Qaadayo Imtixaanka+Sawirro

0

Imtixaanka kama dambeysta ee shahaaadiga Dugsiga Sare ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah uga bilowday  qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya waxan laga fariistay ilaa 121 xaruumood sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada.

Illaa 27,600 oo Arday ayaa u fariisatay Imtixaanka shahaadiga, sida magaalada Muqdisho iyo deegaanada maamul goboleedyada qaar, sida Hirshabeelle, Jubbaland, Galmudug iyo Puntland .

Ammaanka goobaha ay imtixaanaadka ka dhacayaan ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa la geeyay ciidamo suga ammaanka.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka mid ah goobaha ay ka bilowdeen  Imtixaanaadka kama dambeysta ee shahaadiga Dugsiga Sare, waxaana u fariisatay  illaa 21 kun oo arday,  waxana lagu qabtay 62 goobood sida duqa Muqdisho u sheegay.

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Daah furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo booqday goobo lagu qaadaayay Imtixaanka ayaa ardayda kula dardaarmay in ay naftooda aaminaan,islamarkaana ay si degan Imtixaanka uga shaqeeyaan,qishkana ay iska ilaaliyaan wuxuuna ku tilmaamay Kheyre tirada Ardayda ee sanadkan u fariisatay imtixiinkaanka horumarka Waxbarasho ee uu dalka gaaray islamarkaana ay ka muuqato Iftiin qarinimo.

Waa sanadkii 3aad oo xiriir ah oo dowladda ay qabato Imtixaanka Mideysan ee shahaadiga,

Hayeeshee  magaalada Beledweyn oo ka mid ah magaalooyinka Hirshabeelle ayaa la hakiyay imtixaankii ay Ardayda u fariisan lahaayeen, kaddib markii ay saameyn ku yeesheen fatahaadii wabiga Shabelle oo iskuulo ka mid ah kuwa Beledweyn ay biyo fariisteen.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here