Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas madaxweynaha maamulka Puntland ayaa booqday qaar kamid ah dhaawacyada ciidamada daraawiishta Puntland ee la dhigay Isbitalka guud ee magaalada Garoowe.
Dagaalka dhiiga badan uu ku daatay ee maal mahii ugu danbeeyay ka dhacayay deegaanka Tukaraq, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan maamulada Soomaaliland iyo Puntland, ayaa waxaa uu reebay saameyn dhan waliba ah oo soo kala gaartay labada ciidan iyo shacabka ku dhaqan aagaasi.
Madaxweynaha Puntland oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Golaha xukuumadda iyo saraakiil ka socotay Madaxtooyada ayaa mid-mid u booqday dhaawacyada ciidamada waxyeelada ay kasoo gaartay dagaalkii ku dhax maray ciidamada kala taabacsan Soomaaliland Puntland degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Dagaalka ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool ayaa waxaa uu ahaa dagaal xoogan oo galaaftay nolasha dad badan uu u badnaa ciidamada dagaalamayay ee kala taabacsan Soomaaliland Puntland.






