Sida uu Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay Xasan Cumar M/lin Gudoomiyaha degmada Marka ee Gobalka shabeellaha hoose ayaa walaac ka muujiyay xaalada amni ee magaalada, wuxuuna sheegay in qeyb kamid ah magaalada ay ka taliyaan Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-shabaab, qeybta kalana ay kusuganyihiin ciidamada Millatarifga dowlada oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in wax shaqo ah aysan ka jirin magaalada, maadaama uu yiri farasmagaalihii magaalada ee xaruunta dagmada iyo goobo kale oo muhiim u ah, in ay maamulaan Xoogaga Al-shabaab.
Wuxuuna ka codsaday dowladda Soomaaliya in laga dula qaado culeyska ay ku hayaan dagaalyahanada Al-shabaab, si magaalada gacanta maamulka dib loogu soo celiyo ayuu dalbaday gudoomiyaha Marka.
Halka Hoose Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Marka oo Simba La Hadlay

