Askar ku Dhimatay Weerar ka Dhacay Duleedka Muqdisho

0

Ugu yaraan laba askari oo katirsan ciidamada melleteriga DF-ka ayaa dhintay laba kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii qarax miino uu ku haleelay deegaanka Haanta dheer ee degmada Hodon.

Dhinaca kale weeraro xooggan ayaa xalay fiidkii lagu qaaday saldhigyo ciidamada DF-ka ay ku leeyihiin deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Weerarada oo ahaa kuwa fool ka fool ayaa lala helay illaa laba saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada  Xasilinta caasimadda , ee deegaankaasi ku leh saldhig ciidan.

Saraakiil katirsan ciidamada dowladda oo Simba xiriiro ay la sameysay ayaa ka gaabsaday iney wax faah faahin ah ka bixiyaan waxii xalay ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Waa habeenkii 2-aad weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah ay ka dhacayaan Muqdisho iyo duleedkeeda, xarakada Alshabaab  ayaa marka lagaaro bisha Ramadaan waxay kordhisaa   weerarada ay ku beegsanayso ciidamada  Dowladda Federaalka iyo kuwa midowga afrika ee AMISOM.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here