Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dawladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Cismaan,
Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini Wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa kala Hadlay Safiirka Dawladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Cismaan, sidii lo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeyay soomaliya iyo sidii loosii wadi lahaa caawinta ay dowlada Imaaraadka Carabta ay siiso ciidamada xoogga dalka soomaliya.
Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa dowlada wadanka Imaaraadka Carabta kaga mahadceliyay taageerida ay siiso ciidamada xoogga dalka soomaliyeed isgaoona xusay in dowlada Imaaraadka Carabta ay kamid tahay dowladaha inta Taageera dowlada soomaliya.




