Wasiirka Difaaca soomaliya oo la Kulmay Safiirka Dawladda Imaaraadka Carabta u Fadhiya Soomaaliya

0

Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda  Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya  Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dawladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Cismaan,

Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini Wasiirka gaashaandhiga xukuumadda  Soomaaliya ayaa kala Hadlay Safiirka Dawladda Imaaraadka Carabta u fadhiya  Soomaaliya Danjire Maxamed Cismaan, sidii lo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeyay soomaliya iyo sidii loosii wadi lahaa caawinta  ay dowlada Imaaraadka Carabta ay siiso ciidamada xoogga dalka soomaliya.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa dowlada wadanka Imaaraadka Carabta kaga mahadceliyay taageerida ay siiso ciidamada xoogga dalka soomaliyeed isgaoona xusay in dowlada Imaaraadka Carabta ay kamid  tahay dowladaha inta Taageera dowlada soomaliya.

20160103_115303 20160103_115312-1 20160103_122306

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here