Faah-faahin:-Ciidamadda Somali-land iyo Puntland oo Ku Dagaalamay Deegaanka Tukaraq.

0

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamadda maamulka Puntland iyo Somaliland ayaa saakay aroortii waxa uu ka dhacay  deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Ciidamadda Somali-land iyo kuwa Puntland ayaa la sheegay in ay isweedaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan,islamarkaana daryanka Madaafiicda laga maqlayay meelihii ay isku-horfadhiyeen labada Ciidan.

Inta la xaqiijiyay 3-askari oo labada dhinac ahaa ayaa ku dhaawacantay dagaalka saakay aroortii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee  Gobolka Sool.

Saraakiisha Ciidamada Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocadiisa kala duwan, islamarkaana ay soo qaadeen Ciidamadda Maamulka Somali-land,dhankoodana ay isdifaaceen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here