Kooxo hubeysan ayaa Xoghayihii xisbiga Kulmiye ee gobolka Sool Maxamuud Barkhadle Cabdi waxey ay ku toogteen bartamaha magaalada Laascaanood.
Dablayda hubaysan ayaa dilay Maxamuud Barkhadle Cabdi oo ku waysaysanayay goob ganacsi uu ku leeyahay magaalada Laascaanood, wakhti uu u diyaar garoobayey salaadii cishaa’I inuu u dhaqaaqo.
Laamaha amaanka magaalada Laascaanood ayaa la sheegay in gacanta ay ku dhigeen ragii ka danbeeyay dilka Xoghayihii xisbiga Kulmiye, inkastoo warkaasi aan si dhab ah loo xaqiijin Karin.
Lama oga sababta ka danbeysa dilka marxuum Maxamuud Barkhadle Cabdi oo lagu dilay gudaha magaalada Laascaanood.

