Warar goordhaweyd Idaacada Simba ay ka heshay magalada Baladweyne ayaa sheegaya inuu rogmaday gaari nuuca loo yaqaan cagaf cagafta oo ay saarnayeen dad garayay kontan ruux dadka deegaanka ah.
Gaariga rogmaday ayaa la sheegay dadkii saarnaa 10 kamid ah iney dhimasha iyo dhaawac noqdeen halka 15 ruux in ka badana ay waxyeelo xoogan kasoo gaartay rogmashada gaarigaasi cagaf cagafta.
Wakiil wareedka Idaacada Simba ayaa sheegay dhimasha iney gaareyso 10 ruux, sido kale dadka deegaanka ayaa sameynaya samatabixinta dadka ku dhaawacmay gaariga Baladweyne ku gadoomay.
Maamulka Magaalada Baladweyne oo Simba xiriiro ay la sameysay ayaa sheegay in maamulka uu ku howlan yahay samata bixinta dadka ku waxyeeloobay gaariga cagaf cagafta ee magaalada ku rogmaday.
Gawaarida loo yaqaan cagaf cagafta ayaa ah kuwa kaliya ee hada ka shaqeeya gudaha magaalada baladweyne, maadaama gadiidka kale aysan awood u laheen iney dhax jiiraan meelaha biyaha farahaada wabiga uu fadhiyo ama xaafada qaar oo wali aysan suura gal aheen in gudaha loo galo.

