Inta la xaqiijiyay 7-ruux oo isku qoys ahaa ayaa ku dhaawacmay kadib Hoobiyayaal ku dhacay Xaafadda Cali Kamiin ee Degmadda Warta-badda ee Gobolka banaadir.
Ilaa 7-Madfac ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhacday Xaafadda Cali-kamiin.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Madaafiicda oo gaaraysay 7 lagu riday garoonka Stadium Muqdisho,Xarunta Xisbiga, Xerada Cuuriyaamiinta ee Magaalada Muqdisho.
Dadkii ku dhaawacmay Madaafiicda ayaa loo qaaday goobaha Caafimaadka magaaladda muqdisho.
Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

