Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed oo la doortay

0

Wararka haatan ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa Tilmaamaya in in lasoo gaba-gabeeyay doorashadii Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya oo saakay bilaabatay,

Xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya waxaa ku guuleystay C/qaadir Shariif Sheequnaa Maye oo ah wiil uu dhalay Taliyihii Hore ee ciidamada booliska soomaliyeed Shariif Sheequnaa Maye.

Mudane C/qaadir Shariif Sheequnaa Maye  Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa helay codod gaaraya 76-cod waxa uu sidaas  Ku noqday Guudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed,

Dhanka kale Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad waxaa loo doortay Maxamed Nuur Macalin Ibraahim, halka Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad loo doortay Aweys Macalin Xuseen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here