Wararka haatan ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa Tilmaamaya in in lasoo gaba-gabeeyay doorashadii Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya oo saakay bilaabatay,
Xilka Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya waxaa ku guuleystay C/qaadir Shariif Sheequnaa Maye oo ah wiil uu dhalay Taliyihii Hore ee ciidamada booliska soomaliyeed Shariif Sheequnaa Maye.
Mudane C/qaadir Shariif Sheequnaa Maye Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa helay codod gaaraya 76-cod waxa uu sidaas Ku noqday Guudoomiyaha cusub ee Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed,
Dhanka kale Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad waxaa loo doortay Maxamed Nuur Macalin Ibraahim, halka Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad loo doortay Aweys Macalin Xuseen.

