Ciidamadda booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay Lamaanayaal looga shakiyay in ay maalgalinayeen dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Yassin Abdille Hussein Abu Sumeiya oo 42 sano jir ah iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Fartun Mohammed Guleid, oo 41 jir ah, ayay Ciidamadda Kenya ka qabteen Xaafadda Islii ee Magaaladda Nairobi.
Laamaha amniga Kenya ayaa ku eedeeyay xubnahaan in ay xiriir dhow la leeyihiin xubin muhiim ah oo Al-Shabaab uga howlgala magaalada Mandera oo lagu magacaabo Abdiweli Mohamed Guleid alias, Abdiweli Kamaure oo ahaa ninkii soo agaasimay gaari Bas ahaa oo 14-kii November ee sanadkii 2014-kii lagu weeraray magaalada Mandera,halkaas oo lagu dilay Tiro dad ah.
Booliiska kenya ayaa sheegay in labada xubnood ay leeyihiin ganacsiyo kala duwan oo ay dhaqaalahooda ku taageeraan Al-Shabaab.
Dhanka kale Ciidamadda booliska dalka Kenya ayaa ku raad jooga 5-ruux kale oo la sheegay in ay xiriir dhow la leeyihiin Abdiweli Kamaure oo ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab.

