Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa eedeen kulul waxa uu u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan dhex-dhaxaad ka aheyn arrimaha Khilaafka wadamadda Khaliijka Carabta,islamarkaana ay la safatay Dowladda Qatar.
Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan ka maarmin Imaaraatka Carabta loona baahanyahay in Dowladda dhexe ay dib uga laabato go’aano ka dhan ah Imaaraatka oo ay horay ugaartay.
“Arinta Khaliijka Dowladdu Dariiq Sax ah maku aha Waxey ku dhaqmeyso, Ama dib ha ugu noqoto Wadadii ama xal ha raadiso”.
Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in Maamulkooda ay faaido badan ku qabaan Imaaraatka Carabta, waxa uu soo qaatay Taageerada ay siiyaan Imaaraatka ee ku saabsan Dhismaha Ciidamada iyo Ku yaboohida Gaadiidka Ciidamada haba ugu abdnaadaane kuwa Qafilan.

