Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan dowladda Kenya Kuwaasi oo Ku socdaalayay Duleedka Dagmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.
Qaraxa ayaa sababay dhimasho iyo Dhaawac oo soo gaaray Ciidamada Dowlada Kenya ee Ku Socdaalaye Dowlada Kenya.
Dadka Degaanka ayaa sheegay in qarax miino uu haleelay gaari nuuca ciidanka xambaara ah oo ka yimid deegaanka Libooya Kenya ee dhulka Soomaalida NFD kunasii jeeday gudaha Soomaaliya.
Gaariga qaraxu haleelay ayaa gabi ahaantiis gubtay waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday ciidamadii la socday Dadka Degaanka ay idaacada Simba u xaqiijiyeen.
War kasoo baxay Al-shabaab ayeey Ku sheegteen Masuuliyadda Qaraxasi waxaana ay sheegeen in Qaraxaasi ay Ku Gubeen Gaarinuuca dagaalka ah iyo Dhimasho 15 askari oo Kenyaati ah.
Ma jiro ilo ka madax-banaan Al-shabaab oo Xaqiijinkara Dhimashada iyo Dhaawaca soo gaaray ciidamada Kenya.

