Raisulwasaare Soomaaliya Kheyre oo Baaqday Safar uu Ku Tagi Lahaa Magaalada Hobyo

0

Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo sida qorshaha uu ahaa la rabay in Uu Safar Ugu Amba-baxo Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug, ayaa lagu soo waramayaa in uu baaqday Safarkiisa.

Warka La Xiriiro Baaqashada Ra’iisul-Wasaaraha ayaa Waaa Idaacada Simba Ee Magaalada Moqdisho U Xaqiijiye Masuuliyiin Ka tirsan Maamulka Dagmada Hobyo iyo Wariyaha Idaacada Simba Ee Magaalada Hobyo uga soo warama.

Wali Si Rasmi ah Looma Shaacin Sababaha uu u baaqday Xasan Cali Kheyre,Waxaana Masuuliyiinta Maamulka Dagmada Hobyo ay Sheegen in Maalinta Berrito uu tagi doono Ra’iisul-Wasaaraha Soomaaliya.

Sida qorshaha uu yahay waxaa lagu wadaa Xilliga Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Uu tago Magaalada Hobyo In Mashaariic Farabadan uu xariga Ka jaro waxaana Mashaariicdaasi Kamid in xariga uu ka Jaro dhismaha Wada Isku Xirta Magaalooyinka Hobyo ilaa iyo Gaalkacyo Ee Dowlad-Goboleedka Gal-mudug.

Si kastaba Safarka Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Dib u dhacay Waxaana Uu Aadi-Donaa Hobyo Maalinta Berrito Oo ah Talaado.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here