Faah-faahin:-Dagaal khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Gobolka Baay

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waramaya  in dagaal muddo Saacadaha socday uu ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo deegaanka Daynuunay.

Dagaalka ayaa Waxa uu u dhaxeeye Ciidamo Ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Al-shabaab Dagaalka ayaa yimid kadib markii wadada loo galay ciidamo ka tirsan dowlada oo marayay wadada u dhaxeysa Daynuunay iyo Baydhabo.

Ciidamada ayaa kasoo qugaansaday deegaanka daynuunaaye waxaana ay ku sii jeedeen Magaalada Baydhabo Ee Xarunta G/Baay.

Inta la xaqiijiyay dagaalka waxaa Ku  geeriyootay sedax Askari oo dowlada ka tirsan halka 2 Labo kalane uu dhaawac uu soo gaaray, kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday magaalada Baydhabo.

Korneel Ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo lahadlay idaacada Simba ee Magaalada Moqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkaasi khasaaro ay kasoo gaartay Ciidamada halka uu sheegay in shabaabkana in ay Khasaaro gaarsiiyeen.

Korneelka ayaa tilmaamay in iyaga uu soo gaaray 2-labo Askari oo dhaawac ah halka uu tibaaxay in shabaabka ay Gaarsiiyeen Dhimashada 3 Dagaalame.

Xaalada Goobihii Lagu dagaalamay ayaa hada dagan mana Jira wax-war ah oo Kasoo baxay dhinaca Al-shabaab Oo Laga Jawaabayo Sheegashada ah in 3 Dagaalo oo iyaga ka tirsan In lagu Dilay Dagaalkii Ka dhacay Qeybo Kamid ah Gobolka BAY

Idaacadda ku hadasha Afka Xarakada Al-shabaab ayaa baahisay in sedax askari ay ku dhinteen weerarka halka laba askari kale oo katirsan ciidamada weerarka la kulmay ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi.

“Ciidamadeena howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Daynuunaay waxay ku dileen sedax katirsan Maleeshiyaadka dowladda 2 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray, sida saraakiisha howlgalada Al-shabaab ay u xaqiijiyeen Warbaahinta Rasmiga ee Al-shabaab” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada.

Majirto cid ka madax banaan labada dhinac oo xaqiijin karta khasaaraha ka dhashay dagaalka

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here