Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Qoryooley ee Gobalka Shabeellaha Hoose Cabdi Axmadoow oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay inay Tuulooyinka Hoosyimaada Degmadaasi ay ka socdaan Howlgalo looga Hortagayo in Al-shabaab ay dadka Shacabka ah ay ka qaadaan Xoolaha iyo Beeraha si ay u helaan dhaqaale ay ku abaabulaan Weerarada ka dhanka ah dowladda iyo maamulka.
Gudoomiye ku Xigeenka ayaa Sheegay Ciidamada Amaanka ay Xaqiinayaan Bad qabka Shacanka Degamadaasi iyo deegaanada ku xeeran intii ay awoodaan waxaana Shacabka ka dalbaday in kaalintooda ka qaataan sugida Amniga si dadka Roobabku aysaameeyeen Ay gurmad u helaan.
Gudoomiye ku xigeen Degmada Qoryooley ayaa Sheegay in maamulka Koofur galbeed uu ka qaabiyey inay Caawiyaan dadka ku sugan Meelaha ay fatahaadu ka dhacday.
Dhageyso: Codka Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Qoryooley oo La Hadlay Simba

