Faah-faahin:-Weerar Caawa Ka Dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir

0

Kooxo hubeysnaa ayaa caawa weerar bambo gacmeed loo adeegsaday waxa ay ku qaadeen Saldhiga degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Dhawaqa qaraxyadda Bambadda ayaa laga maqlay xaafaddaha Degmadda Wadajir.

Sida uu inoo xaqiijiyay qof kamid dadka deegaanka, kooxda hubeysneed ayaa dhowr bambo ku tuurtay Saldhiga,waxayna ka baxsadeen goobta.

Ciidamadda Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa haatan howlgal waxa ay ka wadaan xaafadaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here