Xiisadkaan oo ka dhalatay Weerar uu ku dhaawacmey Taliye ku Xigeenka Ciidamada Booliska Maamulka Gobaleedka Puntland Bile Faarax Cali aya laga Dareemayaa Deegaanka Buuro wadal oo udheexaya Magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe.
Rag Hubeysan oo Taacabsan Taliye ku Xigeenka ayaa la Wareegay kantaroolka Deegaankaas waxaa ayna dalbadeen in loo soo qabto Askartii ka danbeysan Iska hor imaadka uu ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Booliska.
Dadka Deegaanka ayaa Idaacada Simba u Xaqiijiyey inay maanta ay keen rag hubeysan oo aan ka tirsanay Ciidamada Aamaanka Puntland Deegaanka Buuro-wadal ku waasi oo ku sugan kantaroolka Deegaankaasi oo ku dhexeeya Magaalada Garoowe iyo Deegaanka Turkaraq oo ku sugan yihiin Ciidanka Soomaaliland.
Dadkaan ayaa ka walwalsan Xiisadaad ay Ciidanka Soomaaliland u Fududeyso inay usoo dhaqaaqaan dhanka Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland islamarkaan ay soo gaaraan Tuulooyinka udhexeeya Buuro-wadal Iyo Tukaraq.
Maamulka Deegaanka iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa Bilaabay inay Dhexdhexaadinta Arintaan kuwaasi oo rajo ka muujiyey inay Maanta soo Afjaraan islamaraanka Kantaroolka Deegaamka ay dib ugu soo celiyeen Ciidanka Amaanka ee horey ugu sugnaa.
Mas’uuliyiinta Laamaha Amaanka Maamulka Puntland ayaa Sheegay in Taliye ku xigeenka Booliska lagu Dabiibayo isbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe inkastoo ay ka gaabsadeen inay Faahfaahin ka bixiyaan Xaalada Deegaanka uu iska Hor imaadka ka dhacay.

