War Deg Deg:-Dagaal ka Socda Degmadda Hodan ee Magaaladda Muqdisho.

0

Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya balse u abaabulan qaab qabiil ayaa haatan waxa uu ka socdaa dhabarka dambe  Jaamacadda Gaheyr Degmadda Hodan ee magaaladda Muqdisho.

Dagaalkaan ayaa la sheegay in isku adeegsanayo hubka noocyadiisa islamarkaana dadkii ku sugnaa Xaafadda ay gabi-ahaanba isaga qaxeyn.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalka uu ka dhashay dhul la isku haysto, islamarkaana Ciidamo kala taageersan dhinacyada dhulka isku haysto ay goobta soo gaareen islamarkaana dagaalka sidaas uu ku qarxay.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka haatan ka socda Dhabarka dambe Jaamacadda Gaheyr Degmadda Hodan ee magaaladda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here