Inta la xaqiijiyay Taliye ku-xigeenka degmada Waaberi C/qaadir Maxamed Cali iyo Askari ilaaladiisa ah ayaa ku dhaawacmay kadib qarax gaari lagu xirey oo ka dhacay Degmadda Waabari.
Qaraxaan ayaa ka dhacay Waaxda October ee degmada Waaberi gaar ahaan aagga Xarunta UNICEF,waxaana lagu xirey gaari noociisa uu ahaa PREMIO oo la sheegay in uu lahaa mid ah shaqaalaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda.
Inta uusan qaraxa dhicin waxaa xirey aaga uu yaalay gaariga Ciidamada Booliska Degmadda Waabari, waxaana la sheegay in gaariga uu kaligiisa qarxay.
Mudooyinkii dambe waxaa magaalada muqdisho kusoo badanayay qaraxyadda lagu xiro gawaarida ay wateen mas’uuliyiinta dowladda Soomaliya.

